Ciidamo lagusoo tababaray Eritrea oo lageeyay Gedo +SAWIRRO

1634

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maalmo kahor Ciidamo badan oo ka tirsan kuwa Kumaandooska Gorgor ku daabushay degmada Luuq ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, kuwaasi oo laga qaaday Magaalada Muqdisho.

Ciidamadaas oo laba maalmood oo xiriir ah lagu daabulay degmada Luuq ayaa Maanta waxaa dowladda Federaalka ay siisay hub badan oo loogu tala-galay inay heystaan Ciidankaas la geeyay Gedo.

Baraha bulshada iyo warbaahinta qaar ayaa waxaa lagu baahiyey sawirro muujinaya in gacanta loo geliyay qoryo kala duwan, sida AK-47 iyo qoriga daran-dooriga u dhaca ee Soomaalida u taqaano Daba-jeexa ama Daba-miinshiirka.

Ciidanka ku daadureysay dowladda Federaalka degmada Luuq ayaa waxaa la tilmaamay in qaarkood ay ku jiraan kuwo lagu soo tababaray Magaalada Asmara ee caasimadda dalka Eretariya, kuna biiray Ciidanka dowladda, waxaana loo gudbiyey Magaalada Balad-xaaqo gaar ahaan dhinaca xuduudka ee Soomaaliya iyo Kenya.