Ciidamo uu Leeyahay Boqor Buur-madow oo lasheegay inay u galeen Puntland+VIDEO

1526

Tan iyo markii uu Boqor Cismaan Buurmadaw dhowaan sheegay in Beelaha dega Bariga iyo Galbeedka Burco ay shir Wadatashi ah yeelaan doonaan waxaa soo baxaya inay Arintaasi Xukuumadda Somaliland siwayn uga Biyo diiday.

Gudoomiyaha Gobolka sanaag ugu magacaaban Somaliland ayaa sheegay in Ciidamo uu lahaa Boqor Buur-madow oo ku sugnaa sanaag ay Dhinaca Puntland u goosteen.” Ciidan Buurmadaw leeyahay ayaa u tallaabay Puntland”.

Sida uu Telefishinka Bulsho u Xaqiijiyey Boqor Cismaan Buur-madow wuxuu sheegay inaysan Jirin Ciidamo uu leeyahay kuwaasi oo aaday dhinaca Puntland, wuxuuse Xusay inay deegaanada ku sugan yihiin Ciidamo beeleed kala duwan.

Hadaba dad badan ayaa sheegay inay iswaydiintu tahay “Hore miyaad u maqasheen ciidankan? Hadduu Boqorku leeyahay ciidan Sanaag jooga maxaa Caarre loo eryaday kuwanna loo Qarsanayey? Maxaa shirkan Boqorku sheegay ku soo beegay dacaayaddan?

Geesta kale Boqor Buur-madow ayaa sheegay inaanu tegin magaalada Garoowe, Balse uu weli ku sugan yahay dalka imaaraadka Carabta.