Xarunta Tv-ga Universal ee Muqdisho oo laweeraray

1626

Ciidamo ka tirsan dowladda ayaa goor dhow weeraray Xarunta Telefishinka Universal uu ku leeyahay Muqdisho, iyadoo iska hor imaad kooban ay dhex martay Ilaalada xarunta iyo ciidamada weeraray.

Xarunta Telefishinka oo ku taalla agagaarka Tiyaatarka ayaa la sheegay in Ciidamo Boolis ah oo ka socday Waaxda Canshuuraha ay weerareen.

Mid ka mid ah shaqaalaha Telefishinka Universal ayaa sheegay in ciidamada soo weeraray xarunta ay markii hore rasaas ku bilaabeen ilaalada, xilli ay socotay tabinta barnaamij toos oo subixii ka baxa Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada booliska ee weeraray xarunta ay u socdeen inay canshuur ka qaadaan dhismaha ay degan tahay Universal TV.

Ciidamo ka tirsan kuwa Madaxtooyada ayaa ku soo baxay is rasaaseynta, waxaana ay ku amreen Ciidamadii Booliska inay hubka dhigeen, qaarkoodna waa ay xireen sida uu xaqiijiyay mid ka mid ah shaqaalaha Telefishinka Universal.