Ciidanka ATMIS oo lookordhiyay muddada ay joogayaan Soomaaliya

99

Golaha Ammaanka ee QM ayaa si aqlabiyad leh ku ansixiyay in ciidamada ATMIS ay Soomaaliya sii joogaan waqti dheeraad ah.

Golaha ayaa meel-mariyay qaraarkan oo oggolaanaya in dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay sii wadaan fulinta howlaha loo igmaday ee howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ilaa 31-ka December.

Bayaan ka soo baxay golaha ayaa lagu sheegay in safiirka Soomaaliya Abuukar Daahir Cusmaan oo hadlay kadib codeynta uu sheegay in Soomaaliya ay “fahamsan tahay sida ay lagama maarmaanka u tahay in la kordhiyo qaraarka ATMIS-ka illaa bisha December 2024-ka si loo xaqiijiyo habsami u socodka kala-guurka, anagoo buu yiri isku diyaarinayna howlgalka ATMIS ka bacdi ee sanadka 2025-ka.”

Waa lama huraan in loo guntado taageerada loo baahan yahay ee awoodsiinta Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo ATMIS in ay sii wataan shaqadooda muhiimka ah,” ayuu yiri safiirka.

Waxa uu intaas kusii daray “Dadaalkan wada shaqayneed waa mid muhiim ah innagoo ka shaqaynayna sidii aan ugu gudbi lahayn qaab-dhismeedka cusub ee howlgalka nabad ilaalinta.”

Bayaanka QM ayaa sidoo kale lagu sheegay in danjire Daahir Cismaan uu yiri, “Nasiib darro, waxaan aragnay dib u dhac ku yimid ku dhawaad dhammaan wejiyada dhimista ciidamada. Sidaa darteed, iskudubarid ka dhexeeya wadamada ciidamada ku yaboohay iyo qandaraaslayaasha Qaramada Midoobay ayaa ugu muhiimsan hannaankaan.”

Wadashaqeyn wax ku ool ah kaliya ma fududeyneyso in si badbaado leh oo habsami leh ay ciidamada nabad ilaalinta u baxaan, laakiin sidoo kale waxa ay yareeynaysaa carqaladaha ka dhalan kara inta lagu jiro marxaladan xasaasiga ah.”

Waxaa la filayaa in codeyntani ay noqoto markii u danbeeysay ee uu Golaha Ammaanku ansixiyo qaraar kordhinaya muddada ay ATMIS ka howlgaleyso Soomaaliya, iyadoo lagu wado in bisha Jannaayo howlaha nabad ilaalinta Soomaaliya uu la wareego howlgal cusub.

Qaraarka qabyada ah ayaa u oggolaanaya dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika in ay sii wadaan in ilaa 12,626 askari oo tuutaha ciidanka xiran oo ay ku jiraan 1,040 boolis ah, ay sii wadaan howlaha nabad ilaalinta ATMIS illaa 31ka Diseembar.

Waxaa kale oo qoraalka looga codsaday Xoghayaha Guud in uu sii wado bixinta xirmada taageerada saadka iyadoo la sii marinayo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS).