Ciidanka Itoobiya oo loo ogolaanayo howlgalka cusub ee nabad ilaalinta

64

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa haatan ka fakireysa inay ka laabato go’aan ay horay uga gaartay Itoobiya, gaar ahaan sii joogitaanka ciidamadeeda ku sugan gudaha Soomaaliya, kadib heshiiskii dhowaan ka dhacay Ankara.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya ay sii joogi doonaan gudaha dalka, sidoo kalena ay kamid noqon doonaan howlgalka cusub ee bilaabanaya 2025, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo wareedyo xilkas ah.

Dhowaan Xuseen Macallin Maxamuud oo ah la-taliyaha amniga qaranka ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in Soomaaliya ay dib u qiimeyn doonto go’aankeedii hore ee ay ka qaadatay ciidamada Itoobiya, maadaama buu yiri heshiis laga gaaray xiisadda.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa isna maalmo kahor ku ammaanay ciidamada Itoobiya in ay naf-hurnimo u sameeyeen xasilloonida Soomaaliya.

Qorshaha kale ee ku hoos duugan ka laabashada go’aanka dowladda ayaa ah mid soo dadajinayo in Itoobiya ay burbureyso heshiiskii badda ee ay la gashay Somaliland, sida ay rumeysan quburada sida dhow ula socda xiisadda labada dal oo heerar kala duwan soo martay.

Dhinaca kale isbeddalka ku yimid go’aanka dowladda ayaa dad badan u arkaan lama filaan, maadaama tan iyo horraatii sanadkan ay madaxda qaranka ku celcelinayeen inay ciidanka Itoobiya ka bixi doonaan guud ahaan Soomaaliya, isla markaana aanay ka mid noqon doonin howlgalka cusub, sabab markaas ku aadaneyd heshiiska sharci darrada ee badda.

Si kastaba, lama oga sida ay joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya u saameyn doonto iskaashiga milateri ee u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Masar oo xoogeystay wixii ka dambeeyay, markii ay kala tageen Muqdisho iyo Addis Ababa.