Ciidanka lagu soo tababaray Eritrea oo lagu wareejiyay Imaaraadka+SAWIRRO

344

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta heshiis cusub la saxiixatay dalka Isu Tegga Imaaraadka, waxaana heshiiskan qalinka ku duugay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur (Jaamac).

Wasiirka oo haatan howlo shaqo u jooga magaalada Abu Dubai ayaa sheegay in heshiiskan uu ku qotomo xiriirka soo jireenka ah ee labada waddan, uuuna ka tarjumayo madax-bannaanida, gobannimada iyo danaha isku soohan ee labada qaran ee walaalaha ah.

“Iskaashigaan ayaa kor u qaadaya awoodda difaac ee qaranka Soomaaliyeed, wuxuuna gacan weyn ka geysan doonaa dagaalka argagixisada looga ciribtirayo dalkeenna Soomaaliya,” ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir Maxamed Nuur Jaamac.