Ciidanka Mareykanka oo qafaashay Markab ganacsi oo Iran leedahay

16

Donald Trump ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada badda ee Mareykanka ay gacanta ku dhigeen markab ganacsi oo uu sheegay inuu leeyahay Iran, xilli uu marayay biyaha istaraatiijiga ah ee Gulf of Oman.

Trump ayaa sheegay in markabka oo uu ugu yeeray “TOUSKA” uu diiday digniino dhowr ah oo ay siiyeen ciidamada Mareykanka, taasoo keentay in tallaabo militari laga qaado. Wuxuu xusay in howlgalka uu fuliyay markabka dagaalka ee USS Spruance (DDG-111), kaas oo la sheegay inuu rasaas ku furay markabka ganacsiga si loo joojiyo dhaqdhaqaaqiisa.

Sida uu Trump sheegay, rasaasta ayaa si gaar ah loogu beegsaday qaybta matoorka, taasoo sababtay in markabku istaago, kadibna ay ciidamada Mareykanka si buuxda ula wareegaan. Wuxuu intaas ku daray in hadda la wado baaritaan lagu ogaanayo waxa uu markabku sido, iyadoo laga shakisan yahay in uu waday shixnad xasaasi ah.

Dhanka kale, wakaaladda wararka ee Mehr News Agency ayaa xaqiijisay dhacdada, balse waxay ku tilmaantay weerar toos ah oo ay ciidamada Mareykanka ku qaadeen markab ganacsi oo ay leedahay Iiraan. Warbixintooda ayaa muujinaysa aragti ka duwan tan Mareykanka, iyagoo tilmaamay in markabka la weeraray isagoo aan wax halis ah wadin.

Dhacdadan ayaa imaaneysa xilli xiisad sare ay ka dhex taagan tahay Mareykanka iyo Iiraan, gaar ahaan marinnada badda ee muhiimka u ah ganacsiga shidaalka iyo amniga gobolka. Qabsashada ama weerarka lagu qaado maraakiibta ganacsiga ayaa loo arkaa tallaabo halis ah oo sii hurin karta khilaafka labada dal.

Khubarada amniga ayaa ka digaya in dhacdooyinka noocan ah ay keeni karaan falcelin degdeg ah oo ka timaada Iiraan, taasoo halis gelin karta maraakiibta kale ee maraya gobolka, isla markaana saameyn ku yeelan karta dhaqaalaha caalamka.

Ugu dambeyn, inkastoo Mareykanku uu ku doodayo in tallaabadan ay ahayd mid amni oo sharci ah, haddana dhinaca Iiraan waxay u aragtaa xadgudub cad, taasoo muujineysa sida ay u kala fog yihiin labada dhinac ee arrintan isku haya.

Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana la filayaa in saacadaha iyo maalmaha soo socda ay soo baxaan faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waxa uu markabkan siday iyo tallaabooyinka xiga ee la qaadi karo.