Ciidanka NISA oo Nairobi kasoo qabtay Taakeeye

262

 

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA ayaa gacanta kusoo dhigtay Sufyaan Sheekh Axmed, {Taakeeye } oo waayihii dambe faafinayay afkaaro xagjirnimo ah oo liddi ku ah nabadda, xasiloonida Soomaaliya, sidoo kalana taageerayay Al Shabaab.

Sufyaan oo ah muwaadin Soomaaliyeed oo deganaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayay hay’adda NISA kasoo dejisay Magaalada Muqdisho, waxa ayna ku bilawday baaritaanno iyo wareysiyo la xiriira cilaaqaadka kala dhaxeeya argagixisada, shabakadaha kale ee ku xiran iyo shaqsiyaadka la wadaaga fikirkan halista ku ah guud ahaan ummadda Soomaaliyeed.

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ee NISA waxaa ka go’an in ay gudaha iyo dibaddaba ku beegsato cid walba oo gacan saar muuqda iyo mid qarsoonba la leh argagixisada, kuna garab siineysa dhibaatada iyo gumaadka ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Sirdoonka Soomaaliya ayaa sidaan oo kale maalmo kahor gacanta kusoo dhigay ganacsade lagu eedeeyay in uu Al Shabaab hubka iyo agabyada ay u baahan yihiin uga soo iibin jiray Shiinaha, ganacsadahan ayaana markii u dambeesay ku xirnaa magaalada Nairobi.