Ciidanka PSF Puntland oo dalbaday in loosoodaayo Af hayeenkooda

138

Ciidanka Amniga Puntland ee PSF ayaa si adag uga jawaabtay hadal shalay kasoo yeeray Taliyaha Booliska Puntland oo sheegay inay dhibaato weyn ku qabaan ciidanka PSF oo cadow u arka booliska maamulka.

PSF waxay ayaan darro ku tilmaamtay in Taliyaha Booliska Puntland Mr Muumin inuu eedeyn aan sal iyo raad toona laheyn u jeediyo ciidamada PSF, ayada oo iska fogeysay in wixii shalay ka dhacay Boosaaso yihiin amar ciidan ama wax ay ka dambeysay PSF.

“PSF waxay u taagan tahay la-dagaalanka argagixisada ee Al-Shabaab iyo Daacish iyo helida xogaha lagu dhibaataynayo shacabka Soomaaliyeed ee reer Puntland,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay PSF.
PSF ayaa sidoo kale waxay dalbatay in deg deg loo sii daayo afhayeenka PSF Maxamuud Jamaal Dooxo oo ay sheegtay in si sharci darro ah loo xirtay, ayada oo Taliyaha Booliska Puntland ku eedeeysay inuu ka been sheegay “afduubka loo geystay afhayeenka,” sida hadalka u dhigeen.

“Afhayeenka PSF Maxamuud Jamaal Dooxo wuxuu ku sugnaa maxkamadda xilliga lasii daayey niman qaraabo ahaayeen, waxaan caddeynaynaa in sharci darro lagu xiray laguna afduubtay, taasina ay leedahay cawaaqib xumo in qof aan dembi gacanta kula jirin la xirto. Waxaan dalbanaynaa in afhayeenka PSF xoriyaddiisi loo soo celiyo sida ugu dhakhsiyaha badan.”

PSF ayaa ugu dambeyntiina waxay sheegtay in aanay jirin xasarad ka dhaxayn karta iyaga iyo Booliska Puntland, maadaama ay kamid tahay laamaha amniga maamulka, ayna u taagan tahay la-dagaalanka argagixisada iyo sugidda amniga.
Taliyaha Booliska Puntland ayaa shalay ku eedeeyay ciidanka PSF in aysan laheyn cadow aan booliska Puntland aheyn oo ay beegsadaan, isagoo sheegay in beegsiga ay ciidanka PSF ku hayaan booliska uu soo bilowday 2022-kii, taasi oo ay beenisay PSF.

Ciidanka PSF-ta Puntland ayaan ka amar qaadan xukuumadda Saciid Deni, markii laga soo tego in sida Danab oo kale ay Mareykanka taakuleeyaan, haddana waxaa xukuma sarkaal uu khilaaf culus kala dhexeeyo madaxweynaha Puntland.