Ciidanka Srail oo weerar culus kuqaaday Rafax

126

Ciidamada Israa’iil ayaa ku dhawaaqay inay billaabeen duulaankooda dhulka ah ee Rafah, taasoo ka dhigan inay si rasmi ah gudaha ugu galeen Rafah, iyadoo warka ka soo baxay ay ku sheegeen inay duqeymo iyo howlgallo ka wadaan bartilmaameedyo ku yaalla bariga Rafah.

Israa’iil ayaa duqeyn ka geysanaysa Rafah, iyadoo warbaahinta Israa’iil ay ku warramayaan in taangiyada iyo ciidanka lugta ee Israa’iil ay gudaha u galeen qaybo ka mid ah Rafah oo ay duqeymo ka geysanayaan, xilli saacado ka hor ay Xamaas oggalaatay heshiis xabbad-joojin ah.

Warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska Netanyahu, ayaa lagu sheegay in Golaha Wasiirada Dagaalku ay si wadajir ah u go’aamiyeen in Israa’iil ay sii wado howlgalka Rafah si ay cadaadis militari u saarto Xamaas loona sii daayo maxaabiista, isla markaana loo gaaro yoolalka kale ee dagaalka.

Ciidanka Israa’iil ayaa goor dhow ku dhawaaqay inay maanta duqeymo ka fuliyeen 50 goobood oo ku yaalla Rafah, taasoo ka dhigan duqeymihii ugu badnaa oo Israa’iil maalin gudaheed ay ka geysanayso Rafah oo ah halka u dambeysa ee ay ku barakaceen Falastiiniyiinta Qasa.

Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska siyaasadda ee Xamaas ayaa sheegay in weerarka ay ciidamada Israa’iil ku qaadeen magaalada Rafah ee koonfurta Qaza “aanu u noqon doonin goob dalxiis”

“Howlgal kasta oo militari oo ka dhaca Rafah wuxuu gelin doonaa wadahadalada halis, mana noqon doono meel ay ku tamashleeyaan ciidamada cadowga,” ayuu yiri Izzat Al-Rashq.