Ciidanka Xoogga oo galay Godadkii Al Shabaab +SAWIRRO

269

Ciidanka xoogga dalka iyo ciidamada dadka deegaanka ayaa dagaal iyo duqeymo maalmo badan socday ,kaddib ku guuleestay in Al Shabaab ka saaraan deegaanka Ciid Ciidka ee ku dhaw degmada Mahaday ee gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Dhulka howdka ee deegaanka Ciid Ciidka waxaa isku aruursaday oo godad ka qotay dagaalyahanno badan oo katirsanaa Al Shabaab, kuwaa oo ay adkaatay in si fudud meesha looga saaro, kaddib markii godad waa weyn halkaasi ka qoteen.

Diyaarado dagaal ayaa duqeymo culus ku garaacay Shabaabkii godadka ku jiray, ciidanka dowladda iyaguna weerar dhinaca dhulka ah ayey maalmo badan ku hayeen aaga ay joogeen kooxda Al Shabaab.

Ciidanka dowladda iyo kuwa deegaanka ayaana ugu dambeyn ku guuleestay in Al Shabaab ka saaraan deegaanka Ciid Ciidka, waxa ayna ciidamada galeen godadkii Al Shabaab ku jireen, waxa ay sidoo kale gubeen dhulka howdka ah si Al Shababa mar kale u gelin.