Xukuumadda Somaliland ayaa joojisay ciidda niista ee dhismayaasha loo isticmaalo, oo dalka Jabuuti uu ka raran jiray gobolka Salal ee Somaliland.
Wareegto uu ku saxeexan yahay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta, Shucayb Cismaan Maxamuud, ayaa gabi ahaanba lagu joojiyay rarista ciiddaas loo adeegsado dhismayaasha laga hirgelinayo gudaha dalka Jabuuti.
“Waxaan go’aamiyay in taariikhda maanta 28, 4, 2025 aan joojiyay ciidda niista ah ee laga raro gobolka Salal. Sidaa darteed, waxaan masuuliyiinta uu qoraalkani khuseeyo farayaa inay hirgeliyaan wareegtadan, ilaa amar dambe kasoo baxayo Wasaaradda Tamarta iyo Macdanta,” ayaa lagu yidhi wareegtada.
Wasaaraddu faahfaahin kama bixin sababta xiligan keentay in la joojiyo ciiddaas muhiimka u ahayd hirgelinta dhismayaasha dalka Jabuuti, iyada oo muddo dheer Jabuuti gobolkan jaarka la ah usoo doonan jirtay ciidda.
Jabuuti ayaa sidoo kale qayb kamid ah biyaha macaan ee dalkaasi laga cabo ka dhaansata ceelasha biyaha ee ku yaalla gobolka Salal ee Somaliland, maadaama dhulka Jabuuti uu yahay mid oomane ah oo biyaha iyo baadkuba ku yaryihiin.
Inkasta oo xukuumadda Madaxweyne Cirro ay sheegtay inay soo celinayso xidhiidhka Jabuuti iyo Somaliland, haddana xidhiidhka labada dhinac ayaa si weyn u xumaaday sannadkii 2024 kadib markii Jabuuti ay ka cadhootay isfahankii badda ee dhex maray Somaliland iyo Itoobiya.
Jabuuti ayaa martigelisay kooxda Dhaqdhaqaaqa Awdal State, taas oo Somaliland aad uga cadhaysiisay, iyadoo ku eedaysay Jabuuti inay ka baxday xeerkii deris wanaagga ee muddada dheer ka dhexeeyay, taas oo Jabuuti beenisay.