Cismaan Cumar Dool oo laxiray iyo Suldaankiisa oo dagaal ku hanjabay

245

Cismaan Cumar Dool oo ka tirsan saraakiisha xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani ayaa maanta lagu xidhay Magaalada Hargaysa.

 

Cismaan oo katagay qurbaha gaar ahaana Norway ayay ciidamada Booliska Somaliland ka qabteen garoonka diyaaradaha Hargaysa.

 

Dhallinyaro ka gadoodsan xadhiga Cismaan Cumar Dool oo xukuumada Somaliland ka dhaliila baraha bulshada, ayaa mudaharaad ka dhigay magaalada Hargaysa.

Suldaanka Guud ee Somaliland Suldaan Daa’uud Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo dhallinyarada la hadlay ayaa ku baaqay in Dool si dhakhso ah loo sii daayo “24 saacadood gudahood hadii ninkaa lagu sii dayn waayo, shaqo kuma lihi wixii ka dhaca”.

Suldaanku dhanka kale dhallinyarada gadoodsan ayuu u qalbi qaboojiyay isaga oo sheegay in Dool anay wax dhibaato ahi soo gaadhin isla markaana raga la xidhi karo.

Dool oo kamid ah qurbajoogta Somaliland ayaa mar ahaa u qaabilsanaha xisbiga Waddani ee arrimaha qaarada Yurub, waxa uuna si ba’an baraha bulshada uga dhaliilaa xukuumada Somaliland.

Dhowr mar oo hore ayuu Dool yimid Somaliland lakiin wax xadhiga looma gaysan, wali lama oga sababta keentay in wakhtigan la xidho, dadwaynaha maanta mudaharaadka dhigay ayaa madaarka u tagay si ay usoo dhaweeyaan.