Ciyaar Jecel “Wixii shalay ka dhacay Baarlamaanka khalad ayey eheyd, waana kala xisaabtami doonnaa Guddoonka

1760

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel) oo ka tirsan golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa saluug ka muujiyay talaabo isaga ka dhan eheyd oo uu shalay qaaday Gudoomiye Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, xili la fadhiyay xarunta Villa Hargeysa.

Waxa uu sheegay in Gudoomiye Mursal uu Mikrafoonka ka xirtay isagoo watay hadal jeedintiisa, taasoo uu ku sifeeyay iney tahay mid baalmarsan sharciga, maadaama Xildhibaanku xaq u leeyahay inuu aragtidiisa ku cabiro fadhiyada golaha Shacabka.

Cabdi Shire ayaa muujiyay diidmadiisa la xiriirta in xili mudo xileedka Baarlamaanka uu gabaabsi yahay Xildhibaanada lagu mashquuliyo iney watqi ku bixiyaan heshiiska ilaalinta hiddo dhaqameedka aan muuqan iyo heshiiska khuseeya midka dabiiciga.

Taas bedelkeed, waxa uu soo jeediyay in laga hadlo arinta Kenya,Khilaafka dowladda iyo maamul goboleedyada,Warbixintii Hanti-Dhowrka,Amni darrada ka jirta dalka iyo rajo xumida laga muujinayo inaanay dalka doorasho ka dhaceynin.

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac (Ciyaar Jecel), ayaa sheegay in Aflagaado uu kala kulmay Gudoomiyaha golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyadoo buuqa labadooda ay sabab u noqotay in Gudoomiyaha uu qaato go’aan ah inuu ku dhawaaqo inuu xiran yahayba kulankii 1-aad ee Baarlamaanka.

Ugu dambeun Cabdi Shire ayaa sheegay iney Guddoonka Baarlamaanka kala xisaabtamayaan Ajendayaasha la horkeenayo Baarlamaanka iyo sida ay u kala muhiimsan yihiin, isagoo dhinaca kalena sheegay in dalka uu ku jiro xaalad xasaasi ah, loona baahan yahay in arrimaha waaweyn laga hadlo.