Ciyaaryahan caan ah oo bada liqday +Sawirro

2449

Shad Gaspard oo horay uga qeyb qaadan jiray tartammada ciyaaraha musaaracada ayaa meydkiisa laga helay Xeebta Venice ee ku taalla magaalada Los Angeles kaddib markii la waayay xilli uu la dabaalanayay wiilkiisa.

Ciyaaryahankan 39 jirka ah ayuu hir qaaday isaga iyo wiilkiisa Aryeh oo 10 jir ah, 17-kii bishan May.

Cunigga yar waa la badbaadiyay laakiin kooxda badbaadiyeyaasha ah ee xeebta ku sugnaa uma aysan suurta galin inay isagana gacanta kusoo dhigaan.

“Shad wuxuu ku haftay badweynta, wuuna geeriyooday, ” sidaas waxaa baraha bulshada ku shaaciyay Dwayne Johnson oo loo yaqaanno “The Rock”.

“Laakiin inta uusan dhimanin wuxuu dalbada in marka hore loo badbaadiyo wiilkiisa. Kaasina waa jacaylka aabanimo”, ayuu sii raaciyay qoraalkiisa.

Wuxuu Shad ku tilmaamay “nin aad u wanaagsanaa”, isagoo “tacsi tiiraanyo leh” u diray xaaskii uu ka tagay, wiilkiisa iyo dhammaan qoyska intiisa.

“Waa dhacdo xanuun badan,” ayuu sii raaciyay.

Xaaska Shad ayaa ka mahad naqday sida loo badbaadiyay wiilkeeda, xilligii uu socday howlgalka lagu raadinayay seygeeda.

“Shad waa dagaalyahan, geesi cajiib ah. Waxaan rajeyneynaa oo aan ku duceysaneynaa inuu isagoo nabad qaba noo soo laabto,” ayey tiri markaas.

Dabcan waxay ahayd inta aan meydka seygeeda la helin.

Laakiin maalintii Arbacada ayey kooxaha gurmadka ka war dooneen meyd la sheegay inuu kusoo caariyay xeebta Venice ee magaalada Los Angeles.

Saacado kaddib waxay xaqiijiyeen inuu yahay meydka Shad.

“Waxaan taageerayaasha caalamka kula biirayaa tacsida iyo xasuusta Shad Gaspard, oo ahaa ciyaartoy aan aad u jecel nahay iyo aabe naxariis badan,” sidaasna waxaa Twitter-ka kusoo qoray ciyaartoyga sida weyn loogu qiimeeyo tartamada musaaracada (WWE) ee lagu magacaabo Triple H.

Ciyaartoygan oo uu dhirirkiisu ahaa The 6ft 7in, waxaa markiisii hore loo aqoon jiray Da Beast wuxuuna kasoo muuqday koox musaaracada isku baheysata (Cryme Tyme), si gaar ahna wuxuu xulafo ula ahaan jiray JTG.

“Noloshiisa kuma soo gabagaboobin sidii aan rabnay,” ayuu yiri Tyrus oo ay isku koox ahaayeen kusoo qoray baraha bulshada.

“Waxaan hadda u xusi karnaa inuu ahaa halyeey, aabe naxariis badan.

Kaddib markii uu ka baxay tartammada musaaracada ee WWE toban sano ka hor, Shad Gaspard wuxuu ku biiray jilista filimada, kuwaasoo uu doorar kooban ka qaadan jiray.

Waxaa filimadii uu kasoo muuqday ka mid ahaa Get Hard with Kevin Hart iyo Will Ferrell, kuwaasoo soo baxay 2015-kii.

Rugcaddaaga WWE ee lagu magacaabo Dave Bautista ayaa ooyay markii uu ka tacsiyeynayay geerida Shad: “Wuxuu jeclaa inuu qol soo dhex galo oo uu kiciyo buuq – wuxuu ahaa nin noocaas ah, wuxuu ahaa nin nolosha oo dhan ka weyn.”