Ciyaaryahan geeriyooday xili uu garoon ku jiray +SAWIRRO

2892

Ciyaaryahan u dhashay dalka Nageria oo lagu magacaabo Chineme Martins, ayaa jooga ka dhacay xili ciyaar uu qeyb ka ahaa ay mareysay qeybta dambe, waxaana ciyaaryahanka lagu guul dareestay in noloshiisa la bad baadiyo.

Ciyaar u dhaxeysay kooxaha Nasarawa iyo Katsina United ayaa xaalad adag soo wajahday kadib markii Martins oo 22-sano jir daacafa ka ciyaara mar qura dhulka ku dhacay, waxaana Martins mudo kadib loola cararay isbitaalka halkaas lagu xaqiijiyay geeridiisa.

Warbaahinta dalka Nageria ayaa ku waramay in la bad baadin karay ciyaaryahanka hadii loo fidin lahaa gurmad deg deg ah, waxaana gaari yar oo ambalaa ah oo la doonayay in lagu qaado ciyaaryahnka ku timid cilad keentay in garoonka lagu dhax riixo.

Ciyaartoyda kooxda uu katirsanaa ciyaaryahanka geeriyooday ayaa aad uga naxay geerida saaxiibkooda ciyaarta kula jiray, waxaana la arkayay ciyaartoyda qaarkood oo ilmeenaya aadna uga naxsanaa geerida saaxiibkood.

Wasiirka Ciyaaraha ee Nigeria, Sunday Dare ayaa sheegay in ay ka qoomameenayaan in geerida Martins, waxa uuna tilmaamay in la bad baadin karay ciyaaryahanka bale aysan taasi dhicin isagoona tilmaamay in arintan baaritaan lagu sameyn doono.

Xiriirka Kubadda Cagta ee Nigeria (NFF) ayaa hakiyay tartankii ciyaaraha,waxa ayna sheegeen in la hubin doono adeegyada caafimaad ee dhammaan kooxaha ka tirsan horyaalka dalkaas, iyadoona koox walbo laga doonayo adeeg caafimaad oo dhameesiran.