Cristaino Ronaldo Oo Ka Fal Celiyay Ka Reebistii Laga Reebay Liiska Xiddigaha Juventus Ee Ka Hor Tagi Doona Atalanta

1689

Tababarah Kooxda Juventus ee Maurizio Sarri ayaa si lama filaan ah Xiddiga ugu Muhiimsan kooxdiisa ee Cristaino Ronaldo ka reebay Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono Atalanta kulan ka tirsan horyaalka Serie A-da.

Cristiano Ronaldo ayaa qalbiga u dajiyay taageerayaasha kooxdiisa xilli uu ka soo kabsanayo daalkii kulamada waajibaadka xulka qarankiisa Portugal.

Tababare Maurizio Sarri ayaa sheegay in sababta uu Cristiano Ronaldo uga reebay Liiska tahay in uu xiddiga reer Portugal u baahan yahay in uu Nasto kadib markii uu ciyaaray dhamaan kulamadii xulka qarankiisa.

Ronaldo ayaa bogiisa Twitter-ka ku soo qoray “Waxa aan diirada saarayaa soo kabsasahada si aan deg-deg ugu soo laabto”.

Kooxda Juventus ayaa hal dhibic ku haysa hogaanka horyaalka Serie A-da iyaga oo leh 32 dhibcood 13 kulan oo ay ciyaartay horyaalka.