Cudur cusub oo HantaVirus layiraahdo oo yimid

1826

Nin ka soo jeeda gobolka Yunnan ee Shiinaha ayaa laga helay cudurka Hantavirus isniintii taasoo keentay argagax ka dhex jira muwaadiniinta adduunka oo wali la dhibaatoonaya cudurka ‘Cohannavirus’ ee ka yimid China.

Telefishinka Shiinaha ee Global Times ayaa bartiisa twitterka ku soo qoray in ninkaan isagoo ku sii jeeday Gobolka Shandong uu raacay bas Isniintii.

32-ka qof oo baska saarnaa ayaa iyagana laga baaray fayraska.

Sida lagasoo xigtay Xarunta Xakamaynta iyo Ka Hortagga Cudurrada ee dalka China (CDC), hantaviruse waa qoys kamid ah Viruska oo ku faafa badanaaba xawayaanka jiirka, isagoo uga gudbi kara dadka.

Cudurku ma ahan mid lagu kala qaado hawo-qaadasho sida cudurka Coronavirus, balse waxaana laga qaadi karaa oo kaliya taabashada kaadida, saxarada, iyo candhuufta dadka qaba feyraska.

Calaamadaha hore ee cudurkaan waxaa ka mid ah daal, qandho, iyo murqo xanuun, oo ay weheliso madax xanuun, dawakhaad, dhaxan iyo dhibaatooyin caloosha ah.

Haddii aan la daaweyn, waxay horseedi kartaa qufac iyo neefsashada oo yaraat. Waxayna noqon kartaa mid ugu damabyntii keenta geeri iyadoo heerka dhimashada uu yahay 38 boqolkiiba, sida laga soo xigtay CDC.

Waxaa cudurkaan sidoo kale astaamihii kamid ah, cadaadis dhiig oo hooseeya, naxdin daran, murqu xanuun, iyo kelyaha oo shaqadiisa xumaato.

HALKAN KA AQRI SHEEKADAN