Culimada Ahlusunna Oo Ku Biiray Shirka U Socda Musharaxiinta

1437

Waxaa maalintii afaraad galay Shirka Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Madaxweynaha Soomaaliya uga socda Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan Hotelka Jazeera.

Shirka Musharaxiinta ayaa Maanta waxaa ku biiray Culimada Ahlusunna Waljameeca, iyagoona qeyb ka noqonaya qeybihii kala duwanaa bulshada Soomaaliyeed ee talada ku biirayay shirkaas oo looga hadlayo Doorashada dalka ka dhaceysa 2020/2021.

Sidoo kale Musharaxiinta ayaa kulan gaar ha la qaadan doona Ganacsatada oo qeyb ka ah kulamadii caadiga ahaa ee ay la yeelanayeen labadii maalmood ee lasoo dhaafay qeybaha kala duwan ee bulshada.

Musharaxiinta ayaa horey kulamo kala duwan ula qaatay Urrarada Bulshada Rayidka Soomaaliyeed, Odayaasha dhaqanka, Haweenka iyo dhalinyarada, iyagoona ka dhageystay argtigooda ku aadan sida ay dalka uga dhici karto Doorasho loo dhan yahay.

Shirka Musharaxiinta oo ayaa lasoo gaba-geyn doonaa Maanta oo tallaado ah, waxaana laga soo saari doonaa War-murtiyeed dhowr qodob ka kooban oo lagu faah faahin doono sida ay Musharaxiinta u wajahaan Doorashada dalka iyo arrimo kale, sameeysan doonaan Golle mid ah.