Culimada Soomaaliyeed oo taageeray xiriirka Masar iyo Soomaaliya

82

Qaar kamid ah Culima’awdiinka Soomaaliyeed ayaa kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay si adag uga hor yimaadeen damaca Itoobiya ee dhulka Soomaaliyeed, iyagoo muujiyay taageeradooda xiriirka Masar ee Soomaaliya.

Kulankan ayaa culimadu si cad uga digeen xadgudubka Itoobiya ee dhulka Soomaaliya, iyagoo sheegay in aysan aqbali karin, isla markaana loo baahan yahay in laga hortago.

Culimadu waxay si weyn u soo dhoweeyeen xiriirka Masar ee Soomaaliya, iyagoo tilmaamay in Masar ay tahay dal Islaam ah oo iskaashi wanaagsan uu kala dhaxeeyo Soomaaliya.

Waxay sidoo kale sheegeen in waajib diini ah uu yahay in la diiddo xadgudubyada Itoobiya.

Culimadu waxay soo saareen baaqaan:-

Waxay ku baaqeen in la difaaco madax bannaanida iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed

Waxay ugu baaqeen bulshada inay u midoobaan difaaca diinta iyo dalka, kana fogaan wax kasta oo kala dhantaali kara midnimada dadka.

Waxay ka digeen dadka ku howlan kicinta iyo kala qeybinta bulshada.

Waxay dowladda ugu baaqeen inay abuurto jawi ay ku wada hadlaan dadka qaba tabashada si loo xoojiyo midnimada.

Waxay Itoobiya ugu baaqeen inay ilaaliso deriswanaaga iyo nabad kuwada noolaanshaha shacuubta labada dal.