Culimada Tabliiqa oo shirwayne uga furmay Muqdisho

2054

Shalay oo Jimco waxaa si hor dhac ah loo furay shir weyn oo ay isugu imaanayaan culumada Tabliiqa, kaas oo muddo dheer kadib lagu qabanayo Masjidka Alhidaaya oo ku yaalla degmada Heliwaa ee gobalka Banaadir.

Masjidkaan oo shirarka nuucaan ah caan ku ah ayaa waxa uu marti gelinayaa culumo Tabliiq ah oo dalka ku soo galay diyaarado, gaadiid iyo Lug waxayna qaarkood yimaadeen maalmo uun ka hor markii lagu dhawaaqay in la joojiyay duulimaadyada dalka waxayna ku soo galeen lug.

Culumadaan ayaa qaarkood ka yimid Ciraaq, Afghanistan, Pakistan, Suuriya, Mareykanka iyo wadamo kale oo aduunka ah waxayna usoo safreen sanado iyo bilooyin ka hor ka qeybgalka Shirkaan inkastoo ay meelo kale soo mareen.

Shacabka Muqdisho ayaa is weydiiyay dowladda Soomaaliya maka warqabtaa shirkaan mise ma heysato wargelin maadaama uu ka dhacaayo waqooyiga magaalada oo ah xaafadaha aysan ku xooganeyn dowladda Soomaaliya.