Cumar finish oo qafaashay xoolihii magaalada dhex socday +SAWIRRO

1755

Ciidamada dowlada hoose ee Xamar ayaa wada howlgalo balaaran oo xoolaha gaar ahaan lo’da looga aruurinayo wadooyinka magaalada Muqdisho , waxaana amarkan xoolaha wadooyinka looga aruurinayo bixiyay Duqa Muqdisho.

Maamulka gobolka Banaadir ayaa magaalada Muqdisho ka hirgaliyay xarun loogu magac daray baadi qabadka xoolaha, waxaana xaruntan lagu xareeyaa xoolaha laga soo aruuriyo wadooyinka magaalada .

Ciidamada ilaalada deegaanka Xamar ayaa howlgalkii ugu dambeeyay waxa ay ka sameeyeen degmada Waabari gaar ahaan suuqa beerta halkaas oo ay buuxeen lo’ badan oo magaalada lagu soo dhax daayay.

Xoolahan wadooyinka laga aruuriyo ayaa la geeyaa xarunta baadi qabadka halkaas oo la sheego in dadkii lahaa uga daba tagaan, waxaana dadka lagu amraa in xoolahooda magaalada ka ceshadaan ama laga xareenayo lana ganaaxayo.