Cumar Yuusuf Cali oo xalay lagu dilay Beled-wayne

1542

Waxaa soo baxaya faahfaahino ku saabsan dil xalay Ganacsade caan ah loogu geystay magaalada Belad-weyne ee gobolka Hiiraan suda ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Marxuumka oo la oran jiray Cumar Yuusuf Cali Ducaale ayaa lagu toogtay meel ku dhow hoygiisa ku yaalla xaafada Howlwadaag ee magaalada Belad-weyne.

Wararaka ayaa sheegaya in dilka marxuumka ay ka dambeeyeen rag bastooldo ku hubeysan oo markii ay falkaas fuliyeen ka baxsaday goobta.

Ciidamada amaanka ayaa xalay ilaa saaka howlgalo ka waday nawaaxiga goobta lagu dilay ganacsadaha iyagoo baadi goobaya raggii falkaas ka dambeeyey.

Ma jirto cid sheegatay dilka ganacsadahan, mana cadda illaa hadda sababta loo dilay iyo cida ka dambeysa dilkiisa oo si weyn looga hadal hayo magaalada Belad-weyne.