Cunugii lagaxaday isbitaalka SOS oo lasoohelay+SAWIRRO

1948

Booliska ayaa gacanta ku soo dhigey gabar ka xaday wiil yar oo dhalanaa inkayar 24 saacadood isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho iyada iyo wiilkaba.

Baaritaano ay sameeyeen ciidamada Booliska ayay ka soo qabteen gabadhan degmada Hodon ee magaalada Muqdisho.

“Alle ayaa mahad leh oo nagu guuleysiiyay in aan gacanta ku soo dhigno Gabadhii xaday canugii yaraa ee Jimcihii la soo dhaafay laga soo xaday Hooyo Soomaaliyeed oo ku dhashay Isbaalka SOS ee degmada Heliwaa.”ayuu yiri taliyaha saldhiga booliska degmada Heliwaa.

Taliyaha saldhigga degmada Heliwaa oo ka hadlay baaritaanada ay sameeyeen ayaa yiri;

“Baaritaan dheer kadib oo ay naga gacan siiyeen Maamulka Degmada Hodan iyo Saldhiga Boliiska Degmada Hodan ayaa waxaa ku guuleysanay in aan gacanta ku soo dhigno Gabadha xaday canuga yar xili ay ku sugneed xaafada Bisha Cas ee u dhaw Isbitaal Digfeer ee ku yaal Degmada Hodan.”

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa baraha bulshada iyo hadal heynta ugu badan ee dalka waxaa qabsaday wiilkan yar ee laga xaday isbitaalka SOS ee magaalada Muqdisho.