Daabicida Baasaboorka Soomaaliga oo muddo labo bilood xayiran iyo dad badan oo dhibaato la soo deristay

1605

Muddo labo bilood ayaa waxaa hakad ku jira bixinta ama daabida Baasaboorka Soomaaliga, kaasoo la joojiyay dhamaadkii bishii November, xilligaasoo Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay shaacisay in dib u habeyn iyo tayeyn lagu sameynayo habka bixinta Baasaboorka.

Hase ahaatee Shirkaddii daabici jirtay ayaa la sheegay inuu qandaraaska ka dhamaaday, iyadoo dowladda Soomaaliya ay go’aansatay inay gebi ahaanba joojiso qandaraaska shirkaddii hore, iyadoo la sheegayo in shirkad cusub lala heshiiyay.

Shirkaddii horay u heysatay qandaraaska Daabicida Baasaboorka ayaa waxaa lahaa Ganacsato Soomaali ah oo heshiis la galay Shaqsiyaad Masaari ah oo howsha daabicida Baasaboorka soo waday muddo sanado ah xilligii dowladdii hore, iyadoo lacagta ka soo xaroota baasaboorka ay qeyb ku lahaayeen.

Shirkadda horay u heysatay daabicida Baasaboorka ayaa qandaraaskooda ku ekaa bishii December ee sanadkii hore 2018, waana tan keentay gaabka ku yimid howlihii daabicida Baasaboorka oo aanay dowladdu iyadoo u diyaar garoobin shirkad kale heshiis la gashay.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in shirkad cusub ay siisay qandaraaska daabicida Baasaboorka, waxaana shirkadaas ay awoodi weyday inay degdeg u howlgasho, taasoo keentay hakadka ku yimid howlihii daabicida Baasaboorka oo dad badan ay ka xaniban yihiin.

Daabicida Baasaboorka ayaa qorshihiisa ahaa inuu dib u bilowdo 15-ka Janaayo, balse weli ma aanay suura gelin.

Xarumaha Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ayaa la xiray, kaddib markii ay istaagtay howshii daabicida Baasaboorka.

Dad fara badan oo Soomaaliyeed ayaa maalmihii u dambeeyay hor dhoobnaa xarunta dhexe ee Waaxda Socdaalka iyo Safaaradaha, iyagoo sugayay inay helaan baasabooro ka maqan oo loo xareeyay bishii November, halka kuwa kalena ay dhowrayeen in loo sameeyo Baasaboor oo ay danooyin badan kaga xayiran yihiin sida caafimaad, ganacsi iyo waxbarasho ah.

Mid ka mid ah dadka uu saameynta ku yeeshay xayiraada ku yimid daabicida baasaboorka ayaa warbaahinta u sheegay in xaaskiisa ka xanuunsan tahay, isagoo sugayay in safar caafimaad ugu qaado dalka Hindiya, maadaama cudur halis ah laga soo sheegay, xaaladeedana ay halis ku jirto.