Daacish oo dishay guddoomiyihii degmada balli-dhidin ee gobolka Bari

1000

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar hubaysan oo habeenimadii xalay lagu qaaday degmada Balli-dhidin ee gobolka Bari, maalmo uun kadib markii ay ka bexeen ciidamo katirsan kuwa Daraawiishta dowladda Puntland.

Raggaan hubaysan oo katirsan Kooxda Daacish ee ku dhuumaalaysanaysa buuraleeyda gobolka Bari ayaa gudaha u soo galay degmada Balli-dhidin iyagoona toogasho ku diley Allaha u naxariistee guddoomiyihii degmadaasi Maxamed Axmed Muumin.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay inaysan jirin ciidamo dowladdu lee dahay oo ku sugan Balli-dhidin taasina ay keentay inay buuraha ka soo degaan rag katirsan Daacish taasi oo durba cabsi ku abuurtay shacabka kunool degmadaasi iyo deegaamada hoosyimaada.

Inkastoo xaaladdu saaka deggan tahay haddana weerarkii xalay ayaa sababy in albaabada loo laabo xarumihii ganacsiga ee degmadaasi, waxaana arrimahaasi ka hadlay wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxxamed Cabdiraxmaan Dhaban-cad.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland Maxamed Dhabancad ayaa u tacsiyadeeyay Ehellada iyo saaxiibadii uu ka geeriyooday gudoomiyihii Degmada Balli-dhidin ee Gobalka Bari, Maxamed Axmed Muumin..

“Aniga oo ku hadlaaya magaciisa, kan masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda, iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyey geerida Alle ha u naxariistee Guddoomiyaha  Alle “SWC” uga baryayaa Marxuumka inuu ka waraabiyo Jannatu Fardawsa, su’aasha qabriga u sakhiro, samir iyo iimaanna kasiiyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed, shacabka Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku” ayuu yiri Dhaban-cad.