Daalibaan oo gudaha u gashay Kabul+SAWIRRO

1511

Maleeshiyada Taalibaan ayaa galay caasimadda Afghanistan ee Kabul maanta oo ah, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha, xilli Maraykanku uu shaqaalaha safaaraddiisa diyaarado ku daadgureynayo.

Sarkaalkan Sare ayaa u sheegay walaaladda wararka ee Reuters in Taalibaan ay ka imaanayso “afarta jiho” laakiin ma bixin faahfaahin intaas ka badan.

Qoraal kooban oo la soo dhigay barta Twitter-ka ee madaxtooyada Afghanistan ayaa lagu sheegay in rasaas laga maqlay meelo badan oo ka agdhow Kabul, balse ciidamada ammaanka oo kaashanaya kuwa shisheeyee ay gacanta weli ku hayaan magaalada.

Saraakiil Mareykan ah ayaa sheegay in diblomaasiyiinta safaaradda laga dhoofinayo gegida diyaaraha ee degmada Wazir Akbar Khan, isla markaana la xoojiyay ammaanka garoonka, iyadoo ciidamo dheeraad ah oo Mareykan ah loo soo diray Kabul, si ay gacan uga geystaan daadgureynta.

Toddobaadkii la soo dhaafay, ayaa sirdoonka Mareykan waxay sheegeen in qiyaasti saddex bilood ay Kabul ku sii jiri karto gacanta dowladda Afghanistan.