DAAW:-Senator Muuse Suudi “anagu waxaan aragnaa heshiis cidaan Hawiye ah aysan qeyb ka aheen in uu socdo”

1681

Senator Muuse Suudi Yalaxow oo ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ayaa ka hadlay mowqifka uu ka aaminsan yahay kulanka la filayo inuu dhawaan ku dhexmaro dowladda dhexe iyo madaxweynayaasha maamullada Jubbaland iyo Puntland.

Muuse Suudi wuxuu dareensan yahay kulanka loo balansan yahay inuu yahay kulan ay ka maqan yahiin beelaha Hawiye, wuxuuna sidoo kale carabka ku dhuftay in Madaxweyne Farmaajo uusan dalkaan wax wanaag ah ka rabin.

“Waxaan aragnaa heshiis aysan qeyb ka aheyn beesha Hawiye inuu meesha ka socdo, Farmaajo ayaa wada, wadankana wanaag lama rabo, waa u kaligiis, cidna kuma eedeyno” ayuu yiri Muuse Suudi Yalaxow.

Sidoo kale Senator Muuse Suudi Yalaxow wuxuu codsaday in doorashada aan wakhtigeeda lala sugin ama Villa Soomaaliya ay dhameystirto xukuumadda wali qabyada ah si ay howsha horay ugu sii wado.