DAAWO:­-Maxkamadda Hargeisa oo Xukun La yaab Leh ku Riday Rag Caan ah

4416

Waxaa magaalada Hargeisa maanta ka dhacay Xukun dadku siyaabo kala duwan uga hadleen, Kadib markii Nin Abwaan ah iyo Nin Macalim ah lagu xukumay 8 sannadood oo xadhig ah iyo lacag dhan $625,000 “ Lix boqol iyo shan iyo labbaatan kun oo dollar”.

Qareenkii u doodayey Masuuliyiintan oo ka tirsanaa Xisbiga Wadani ayaa sheegay in Markii lagu waayey inay xadhkihii shirkadda Somcable inay wax yeelo u gaysteen, Hada lagu soo eedeeyay Inay Madaxwayne Biixi ugu yeedheen “Muuse-Shaani” iyo “Qaran-Dumis” baad tihiin, iyadoo laga duulayo Gabay abwaanku ku sheegay in 26-june la ilaaway.

Macallin Cabdiqaadir Nuur Maxamed iyo Abwaan Baashe Xasan Maxamed Ayaa lagu Riday Xadhiga iyo Ganaaxa Lacageed.

Xisbiga Wadani ayaa si kulul uga hadlay Arintan, waxayna sheegeen in Aargoosi iyo Beeg lagu wado, islamarkaana uu Leexday Garsoorkii, Waxayna sheegeen in Xukunka Noocan ah uu dhici Jiray Xiligii Dawladdii Maxamed Siyaad Barre.

Wadani ayaa sheegay in Baraha Bulshadu ay yihiin goobo dadku ku Sheekaystaan Sida Maqaaxida, Islamarkaana dhibaato ay ka dhalan doonto hadii dadka lagu Xukumo, hadalka la isku dhaafsado.