DAAWO:-15 Alshabaab ah oo ay ku jirto Hawaaney Indhool ah oo laxukumay

249

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukuno kala duwan ku riday laba Shabakadood oo Haweeneey kujirto, kuwaas oo lagu helay inay kamid yihiin Ururka Al-Shabaab, isla markaana ay ku lug lahaayeen qaraxyo & falal amni darro oo kale.

Maxkamadeynta dadkaasi oo maalmihii la soo dhaafay ka socotay magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa Maanta ugu dambeyn la soo geba-gabeeyay, waxaana ay Magacyadooda kala yihiin.

1: Dhigan Xasan Xasaneey oo loo yaqaano (leylo) oo ah qof araga naafo ka ah, taas oo Xeer ilaalinta Maxkamadda Ciidamada ku eedeysay inay aheyd keydka hubka Al-Shabaab, waxaana lagu riday xukun 5 sano dibad-joog ah oo Hay’adaha Amniga la soconayaan.

2: Maxamed Cabdi Cali oo loo heysto in lagu qabtay Bam gacmeed uu ku tuuri rabay bar Ciidan balse Ciidamada ay qabteen, waxaana lagu xukumay 15 Sano oo Xabsi ciidan ah.

3: Cali Aadan Maxamed, Xuseen Isxaaq Cali Nuur, Maxamed Kuulle Xuseen Cabdi Macalin Aadan, Cabdinaasir Cali Kuusoow, Maxamuud leysow Xuseen & Madaxa maaliyadda Raggaan oo lagu magacaabo Mustaf Maxamed Nuur ayaa waxaa lagu wada xukumay min 10 sano oo Xabsi ciidan ah.

Sidoo kale Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay xukun ku riday feysal Cali Haafoow, Xaaji Xuseen Xasan Cusmaan, Maxamed Cali Cabdi ( Buubaay) , Maxamed Macalin Cabdi Kuusoow, Baariya Aadan iimaan iyo Fardowso Sheekh Nuunow Caliyow.

Shalay ayay aheyd markii Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay xukun ku riday laba Rag ah iyo Haweeneey, kuwaas oo loo heysto inay diyaariyeen qarixii lagu dilay Wasiirkii Cadaaladda Maamulka Koonfur Galbeed ibraahim lugbuur & Wiilkiisa