DAAWO:-A/Madoobe oo shaaciyay arrin xasaasi ah

143

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe ayaa shaaciyay in kalfdhiyada soo socda ee baarlamaanka lagu dhameystiri doono arrimaha dastuurka, xilli ay xiisad xooggan ka dhalatey qodobaddii uu horey u meel-mariyay baarlamaanka.

Aadan Madoobe oo ka gaabsaday inuu shaaciyay qodobadda sida gaarka ah loo horgeynayo baarlamaanka ayaa waxa uu sheegay inay yihiin kuwa muhiim ah oo qeyb ka ah dhameystirka dastuurka.

“Mudaneyaasha waxay xilliyada soo socda ka doodi doonaan hindise sharciyeedyo wax ku ool ah oo gaaraya illaa 14,” ayuu yiri Guddoomiye Aadan Madoobe oo ka qeyb-galay kulanka todobaadka warbaahinta qaranka.
Madaxtooyadda oo gacan ka helaysa guddoonka baarlamaanka ayaa qorsheynaysa in sharciyadan ay marsato baarlamaanka marka la furo kal-fadhiga 5-aad, xilli ay xildhibaannada qaar muujinayaan saluug iyo balamihii hore loo fulin.

Villa Somalia ayaa horey u marsatay baarlamaanka afartii cutub ee dastuurka ee mucaaradka ka qeyliyay iyo heshiiskii Turkiga ee illaa hadda baarlamaanka aqoonin wax ku qoran, kuwaasi oo dhamaantood ku gacan isiyay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya.
Si kastaba, arrimahan ayaa uga sii dari doona xiisadda dastuurka ee u dhaxeysa madaxweyne Xasan Sheekh iyo xubnaha mucaaradka oo qeyb ka yihiin madaxweynayaashii hore ee dalka, kuwaasi oo meel adag qorshaha wax ka beddelka dastuurka ee gadaal ka riixeyso Villada.