DAAWO:-Aabaha Dhalay Caasha Ilyaas oo ka hadlay siduu ugu faraxsan yahay Xukunka lagu Riday Raggii Kufsaday ee dilay Gabadhiisa

1609

Maxkamadda darajada Koobaad ee Gobolka Nugaal ayaa maanta xukun dil ah ku riday raggii ku eedaysnaa kiiskii Caa’isho Ilyaas Aadan oo magaalada gaalkacyo kufsi iyo dil loogu geeystay.

Aabaha dhalay Caasha ilyaas ayaa ka hadlay Xukunka ka dhacay maanta, Wuxuuna sheegay inuu ku Faraxsan yahay Sida wax u dhaceen , Balse ay Racfaan Qaateen dadkii la xukumay Islamarkaana uu sugayo.

“Cadaalad ayaan Sugayey Waan Filayey inuu Kiisku ku dhammaan doono si wanaagsan, Waxaa la Xukumay Saddex Nin oo Laba Walaalo ay yihiin iyo Nin deris nala ahaa, Tuhun iigama Jirin inay dambiga galeen way ku Cadayd, Waxaana Dawladda ka Filayey inay Tallaabo Qaadi doonto waana ku mahad-sanyihiin.“ Ayuu yidhi Aabaha dhalay Caasha Ilyaas Aadan.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay Sababta Xaaskiisa iyo Caruurtiisu ay Uga guureen magaalada Gaalkacyo, iyagoo hada ku sugan magaalada Wardheer, Wuxuuna sheegay inay Gabdho kale u joogaan, Islamarkaana ay Xaaskiisu welwel ka Qaaday Gaalkacyo iyadoo dadkii dhibka u gaystay ay daris la ahaayeen, Hadana Caruurta kale Hadii Suuqa loo diro ay Welwel ka Qabayso.

Mar wax laga waydiiyey inuu Cadaadis iyo Culays la kulmay ayuu sheegay inaanu wax dhib ah la kulmin, Islamarkaana uu isku Kalsoon yahay.