DAAWO: Aabaha qoyskiisa dhawaan lalaayay oo cadaalo daro ku tilmaamay xukunkii Maxkamada

79

 

Axmed Maxamuud Canshuur oo ah Aabaha qoyskii dhawaan Hooyada iyo 3 Gabar oo ay dhashay lagu dilay Galgaduud ayaa wareysi uu siiyay TV-ga Universal wuxuu si kulul uga hadlay go’aankii shalay Maxkamada Galmudug ka soo saartay ragii loo heystay inay laayeen qoyskiisa.
Maxkamada oo dhageysi kadib xukunka soo saartay ayaa shaacisay in sedexda eedeysane lagu waayay danbiga ah inay dileen qoyskaasi kadib markii sida ay sheegeen ay diideen ehalada dadkii la laayay inay dhaartaan madaama cadeyn rasmi ah lagu waayay sedexda eedeysane.
“Dadkeygii waa la laayey arintaan yeysan saameyn ku yelanin dadka Soomaaliyeed ee wax halaga qabto” ayuu yiri Aabe Axmed Candhuur oo caro ay ka muuqatay.