DAAWO:-Aadan Madoobe”Xildhibaan Caana-nuug Jiis ayaa tahay fariiso

24

Kulankii maanta ee golaha shacabka baarlamanka Somalia ayaa ku dhamaaday buuq iyo fowdo ka dib markii ay gadood sameeyeen koox Xildhibaano oo ku jiray 100 xildhibaan oo mooshin xil ka qaadis ah ka keenay Gudoomiye Aadan Madoobe.

Xildhibaannada ayaa gacan iskula tegay hoolka Baarlamaanka, iyadoo kulanku uu isku bedelay buuq iyo sawaxan, waxaana markii dambe soo farogeliyey ciidamada Booliska ee ka shaqeeya Baarlamanka.

Xaalada ayaa gaartay heer ay xaalada faraha ka baxday, waxaana sidoo kale la burburiyay qaar kamid ah agabka Baarlamaanka, sida makarafoonada iyo kuraasta.

Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa isku dayey inuu xaalada qaboojiyo hase ahaatee kuma guuleysan ka dib markii dheg loo dhigi waayey hadalkiisa.

Gudoomiye Aadan Madoobe ayaa xalay soo saaray qoraal uu ku sheegay in arrinta xilka qaadistii uu ku sameeyey xildhibaan Abiib uu ku wareejiyey guddiga anshaxa si ay go’aan uga soo gaaraan.

Hase ahaatee Xildhibaannada mooshinka keenay oo kor u dhaafaya 100 mudane ayaa iyaguna shir jaraa’id qabtay, waxayna sheegeen in aanay ku qancin tallaabada uu qaaday guddoomiyaha, ayna sii wadayaan mooshinka ay wadaan ee xilka qaadista ah.

Xildhibaannadu waxay cadeeyeen in guddoomiye Aadan Madoobe uusan weli ka laaban go’aankiisii ka dhanka ahaa xasaanadda xildhibaan Cabdullahi Xaashi Abiib, iyaguna aysan ka laaba doonin go’aankooda xil ka qaadista guddoomiyaha.