DAAWO:- Aamina Muuse Walaasheed Oo la afduubatay

2780

Wararka laga helayo gudaha muqdisho ayaa sheegaya in La afduubtay Fowsiya Faarax Cadoow Sanado oo Qurbaha ka timid.

Waxay Fowsiyo Sindiko Xamar usoo gaartay sida la sheegay Arimo Dhaxal la xiriira oo ay Qoyskeeda isku hayeen,waxaana lasoo tebinayaa in la qafaashay oo raq iyo ruux la heyn halka ay ku dambeysay.

Saxafiyada Aamina Muuse Wehliye oo saacado ka hor soo banaanbixisey Afduubka walaasheed waxay sheegtay inay weli baaritaano socdaan ayna Fowsiya la shaqeeneysay NGO Waddani Ah.

Waxay sheegtay in Arimaha Dhaxalka awgeed ay aaminsan tahay in loo qafaashay balse aysan weli Xog faah faahsan helin.
Gabadha La Afduubtay waxaa dhalay Allaha Unaxariisteen Gudoomiyihii hore Ee Gudiga Olambikada Soomaaliya Faarax Wehliye Cadoow Sindiko,waxaana Ay Iimaan Cadoow Ama Fowsiya Sindiko,ay heysataa Dhalashada Dalka Mareykanka.

Safaarada Mareykanka Ee Nairobi ku taalla ayaa baadi goob dhankeeda ah bilowday lana wadaagtay Xogta Maqnaashiyaha gabadhaan Safiir Donald Yamamto Oo USA Soomaaliya uqaabilsan.

Mas’uuliyiinta Laamaha Amniga Soomaaliya waxay sheegeen inay dhankooda baaritaan ku hayaan sida Afduubka udhacay iyo Gabadha halka lagu hayo.