DAAWO:-Agaasimihii TV-ga Somali Cable oo Muqdisho lagu aasay

279

Allaha unaxariiste waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay Agaasimihii TV-ga Somali Cable Muqdisho Cabdifitaax Macallin Nuur Qeys oo xalay ku geeriyooday qarax is-miidaamin ah oo ay Al-Shabaab ka geysatay caasimada.

Weriyaasha Muqdisho iyo qaar kamid ah masuuliyiinta warbaahinta dalka ayaa maanta ka qeyb-galay aaska marxuumka oo ka dhacay xabaalo ku yaalla degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Waxaa halkaasi tacsi ka diray qaar kamid ah bahda saxaafadda iyo dad weynihii ka qayb-galay jinaasada iyo aaska marxuum Qeys.
Qaraxa ayaa waqtigii uu dhacayay waxaa maqaayada Blue Sky ku sugnaa dad badan oo halkaasi ku caweynayay, kuwaasi oo isugu jiray dhalinyaro iyo odayaal.

Marxuumka ayaa kamid ahaa weriyaasha muhiimka ah ee muddo ka howl-gelayey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka

Qaraxan ayaa imanaya xilli ay dowladda Soomaaliya wado howl-gallo milatari oo ka dhan ah Al-Shabaab, ayada oo shalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu Muqdishu kusoo dhoweyey ciidamo hor leh oo lagu soo tababaray dalka Eritrea.

Agaasime Cabdifitaax Qeys ayaa kamid noqday dadka ku dhintay qaraxaas, geerida marxuumka ayaa aad u gilgishay baraha bulshada, sidoo kale waxaa la soo bandhigay madaxa ninkii is-qarxiyey oo muuqaal ahaa nin weyn ah.

Banaanka hore ee maqaayadda uu qaraxaasi ka dhacay ayaa waxaa Bar-Kontrol oo madaxtooyada laga ilaaliyo ku leh ciidamada dowladda, kuwaas oo lagu war-geliyey shakiga ninka inta uusan is-qarxin, balse inta uusan goobta soo gaarin askarigii lasoo diray ayuu is-miidaamiyey.