DAAWO:-Ahlu Suna Oo Shaaciyay In Ay Hobkoodii Dib Ula Soo Baxayaan

1706

Hoggaamiyaha Guud ee Ururka Ahlusunna Wal-Jamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa sheegay in waxa haatan ka socda deegaannada Galmudug aysan aheyn wax loo dul qaadan karo.

Isaga oo qaar kamid ah taageerayaasha Hoggaanka Ahlusunna kula hadlayay Dhuusmareeb ayuu soo hadal qaaday xayiraad muddo kooban la saarey Qaar kamid ah Odayaal iyo Waxgarad kasoo baxey Guriceel kuna wajahnaa Dhuusamareeb,waxaana uu sheegay in hadii ay hub wadan lahaayeen aan la celiyeen.

“Intii aan fasaadka soo dhaweysan lahayn waxaan geleynaa haddii Alle yiraahdo in hubkeena aan soo dhaweysaneyno,ruux muslim ah ku dhibi meyno,dowlad ku dhibi meyno laakin Ruux reer fasahaad ah waan ku dhibeynaa ayuu yiri Macalin Maxamuud.

Hadalka Hoggaamiyaha Guud ee Ururka Ahlusunna Wal-Jamaaca Macalin Maxamuud Sheekh Xasan ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli weli uu jiro khilaaf xoogan oo kala dhaxeeyo Dowladda federaalka,kaas oo ka dhashay doorashadii ka dhacdey Dhuusamareeb.