DAAWO:-Al Cadaala “Waa nasiib daro ah in Dacaayado ka dhan ah Ra’iisal Wasaraha loo adeegsado Sarakiisha Ciidamada

1080

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta Xukuumada Somalia C/raxmaan Yuusuf Al-Cadaala oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa si kulul u beeniyey warar la faafiyey oo ku eedeynayey RW Rooble inuu boobay dhul dan guud ah oo ay leeyihiin ciidanka Badda.

Al-Cadaalla ayaa ku tilmaamay wararkaas kuwo la been abuuray oo ay ka dambeeyaan wax uu ugu yeeray kooxo abaabulan.

“Wararkan la faafiyey ee been abuurka ah waxay qeyb ka yihiin qorshe diyaarsan oo ujeedada laga leeyahay ay tahay in lagu magac dilo RW Rooble, dadka Soomaaliyeedna lagu niyad jebiyo, sababta keentay arrintaasna waa dedaalka Raisul wasaaruhu ugu jiro inuu hagaajiyo oo uu dariiq sax ah ku hago hanaanka doorashooyinka Soomaaliya” ayuu yiri Al-Cadaalada.

Wasiirka ku xigeenka Warfaafinta ayaa intaas ku daray in mudadii sanadka aheyd ee Rooble xilka hayey uu dedaal u galay, baajinta dagaalo iyo sidii loo qaban lahaa doorasho hufan.

“Waxaa nasiib daro ah in dacaayahaas faafintooda loo adeegsaday saraakiil ciidan iyo qaar ka mid ah heyadaha rayidka ah ee dowladda, kuwaasoo loo isticmaalay in RW dalka lagu jaa’ifeeyo, markii arrimahaas ay dhaceen, Raisul wasaaraha isagoo ilaalinaya duruufaha dalka, una turaya dadka Soomaaliyeed wuxuu go’aansaday in isla dariiqa heyadaha dowlada dhexdeeda lagu saxo qaladkaas, balse waxaa nasiib daro noqotay in guddiyadii la magacaabay ee saraakiisha ahaa in faragelin lagu sameeyey, laguna cadaadiyey ineysan xaqiiqada ka hadlin, taasoo muujnineysa heerka uu gaarsiisan yahay abaabulkaas lagu jahwareerinayo shacabka” ayuu yiri Al-cadaalla

Wasiir ku xigeenka Warfaafinta ayaa ugu baaqay dhamaan masuuliyiinta heyadaha dowlada iyo saraakiisha ciidamada iney ka fogaadaan ku milmida siyaasada, ayna gutaan waajibaadka shaqo ee loo xilsaaray.