DAAWO Al-shabaab oo gudaha ugalay degmada Balcad

1590

Kooxda Al-shabaab ayaa saacado kooban qabsatay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada dhexe, waxayna la wareegeen xarumihii dowladda, waxay sidoo kale xabsiyada kasii daayeen maxaabiis dowladda u xirnaa.

Al-shabaab ayaa magaalada Balcad ku qabsaday dagaal ay kusoo qaadeen markii ay la wareegayeen, lamase oga khasaaraha ka dhashay.

Ciidamada dowladda ayaa markii dambe ku guulaystay inay dib ula wareegaan, iyagoo Al-shabaab dib uga baxay magaalada sida ay goob joogayaal sheegeen.

Al-shabaab marar badan ayay sidaan oo kale u qabsadeen Balcad oo 30 km u jirta magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Qabsashadan waxay muujinaysaa in Al-shabaab weli leeyihiin awood ciidan.