DAAWO:-Awoodii Baarlamaanka waxaa lawareegay Mursal iyo Muudeey

1829

Mudanayaal katirsan xildhibaanada golaha shacabka jamhuuriyadda federalka ah ee Soomaaliya ayaa sheegay in lala wareegey awooddii iyo go’aan gaaristii barlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi oo ka mid mudanayaasha baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa shaaciyey in guddoonka golaha shacabku uu la wareegey guud ahaanba awooddii barlamaanka Soomaaliya.

Waxa uu ku eedeyey guddoomiyaha golaha shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan inuu ku tagri falay wixii uu doonana ku samaysanayo awooddii xildhibaanada golaha shacabka Soomaaliya.

“Aniga baarlamaanka aan hadda ku jiro waxaan ku aqaanaa irida baarlamaan marka uu ka soo galo gacanta midig oo ay iyagu leeyhiin maleh guddoonkaa iska leh.”

Waxa uu sheegay in golaha shacabku uu noqday meel wax loo yeeriyo sameeyana wixii uu ku amro guddoonka golaha shacabku, wuxuuna yiri “Taaga haddii la yiraahdo wax uun lee u taaga way iska taagayaan.”

Ugu dambayntiina xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in arrintan ay saameyn ku yeelatay golaha, gaar ahaan isla xisaabtankii laga rabay.

“Arrintaasi waxa ay daba rogtay isla xisaabtankii laga rabay Golaha Shacabka.” ayuu yiri mar kale, xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi.