DAAWO:- Axmed Ciise Cawad oo ka hadlay sababta xilka looga qaaday

1402

Wareegto ka soo baxday xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa xilka looga qaaday wasiirkii Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad.

Hadda Axmed Ciise Cawad oo la hadlay BBC-da laanteeda afka Soomaaliga ayaa waxa uu sheegay in awoodda madaxwaynaha ay tahay in uu wasiir magacaabo islamarkana uu marka uu doonouu xilka ka qado.

“Xilka markii horaba waxaa ii magacaabay madaxda dalka madaxwaynaha iyo rai’sul wasaaraha, markii sidii ay iigu magacaabeen xaq ayay u leeyihiin in marka ay la nqoto hadana ay iga qaadaan, ayuu yiri Mr Cawad.

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxa uu intaasi ku daray inuusan imika sheegi Karin sababta xilka uu uga qaaday madaxwayne farmaajo.

“Sabab gaar ah oo aan hadda kuu sheegi karo ma jirto, madaxwaynaha inaan wada shaqeynay abaal badan ayaan uga hayaa iney fursadaasi i siiyeen oo umadda Soomaaliyeed aan u adeegay, saddex sano ayaan wada shaqeynaynay,” ayuu intaa ku daray.

Axmed Ciise Cawad ayaa la waydiiyey inuu jiro khilaaf dhexmaray isaga iyo madaxda sare ayaa waxaa uu sheegay in xitaa haddii ay jiraan wax la isku qabtay uusan idaacadaha ka sheegeyn.

“Kuma jirto dhaqanka dowladnimada haddii xitaa wax la isku qabto in idaacadaha looga sheego, anigu waxaan kuu sheegayaa madaxwaynaha ayaanu kulanay wuu ii sheegay in uu xilka iga qaadayo la yaab ma ahayn anigana waan uga mahad-naqay wada shaqeyntii na dhexmartay marka dhib ma jiro,” ayuu yiri mr Cawad.