Daawo: Baarlamaanka oo kadooday kiiska gabadhii lagu gubay Muqdisho

135

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dhacdadiid argagaxa laheyd ee lagu gubay marxuumad Luul Cabdicasiis oo seygeeda uu si arxan darro ah ugu dilay Muqdisho.

Xildhibaannada ayaa dalbaday in si deg deg loo soo qabto eedeysanaha oo lagu magacaabop Sayd Cali Macallin Daa’uud, kaas oo baxsad ka ah laamaha amniga.

Cabdiqaadir Sheekh Cali (Baraka) oo kamid ah xubnaha ka hadlay falkan ayaa sheegay in Booliska looga fadhiyo soo qabashada eedeysanaha, si cadaalad loo horkeeno.

“Waxaa la rabaa haddii ay dhacdo dhacdo Booliska Soomaaliyeed waa in ay si deg deg ah uga hortegaan oo ay soo qabteen ninka gaysta fal dambiyeedka, waxaa nagu maqaalo ah ilaa hada inaan lasoo qaban qofka dambiga gaystay”ayuu yiri xildhibaan Cabdulqaadir Baraka.

Sidoo kale wuxuu intaasu kusii daray “In la sameeyo ka horteg ayaan rabnaa iyo wacyigelin in bulshada loo sameeyo”.

Xildhibaan Nasro Sheekh Mahdi oo kamid ah Golaha Shacabka ayaa sheegtay in gabdhaha Soomaaliyeed loo soo dhigtay, isla markaana uu sii kordhay tacaddiyada loo gaysanayo, ayada oo soo hadal qaaday dhacdii labaad ee Qoryooley oo nin kale xaaskiisa uu ku dilay.

“Waxaan rabnaa hay’adaha ku shaqada leh ee amniga inay sida ugu dhaqsiyaha badan kusoo qabtaan ninka dambiilaha ah ee gubay gabadha Soomaaliyeed, waxaan leeyahay gabdhihii waa lasoo dhigtay waa in cadaalad ay helaan gabdhaha”. ayay tiri Nasro.

Dhankiisa Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif ayaa isna dowladda ugu baaqay inay kafaalo qaado nolosha carruurta agoonta ah ee ay ka geeriyootay Luul Cabdicasiis.

“Xuquuqda iyo xanaanaynta caruurtii ay ka tagtay Gabdhii uu ninkeeda dilay, Dowladduna waa in ay la wareegtaa cadaaladana ay horkeentaa Dambiilaha dilay” ayuu yiri Nadiif.