DAAWO:-Banaan bax looga soo horjeeday Farmaajo oo kadhacay Muqdisho +SAWIRRO

1107

Waxaa goordhaw banaan bax looga soo horjeeday Madaxweynaha Soomaaliya Farmajo laguna taageerayay Ra’isul Wasaare Rooble uu ka dhacay xaafad katirsan magaalada Muqdisho.

Banaan baxan oo laga soo abaabulay xaafada Saybiyaano ay ku badan yihiin taageerayaasha Ra’isul Wasaare Rooble ayaa waxaa is hortaag ku sameeyay kana hortagay inta uusan magaalada ku faafin ciidamo katirsan booliiska.

Ciidamada booliiska ayaana awood u adeegsaday sidii banaan baxayaasha oo watay boorar ka dhan ah Farmaajo loo kala eryi lahaa, waxaana markii dambe banaan baxa noqday mid aan sii socon oo lagu kala tagay.

Musharaxiin Madaxweyne Cabdikariin Guuleed iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku eedeeyay in banaan baxayaasha awood u adeegsadeen ayna joojiyeen taliye kuxigeenka ciidanka booliiska Kaniif iyo taliyaha booliiska gobolka Banaadir Farxaan Qaroole.

Musharaxiintan ayaana ugu baaqay Ra’isul Wasaare Rooble iyo Wasiirka amniga gudaha in ay talaabo ka qaadaan labadan taliye ee maanta joojiyay banaan baxa looga soo horjeeday Madaxweyne Farmaajo.

Joojinta Banaan baxan ayaa imaanaya xili ay magaalada Muqdisho ka socdaan abaabulka banaan baxyo kale oo waa weyn oo looga soo horjeedo Madaxweyne Farmaajo oo wali ku dhegan kursiga kana soo horjeeda in doorasho hufan dalka ka dhacdo.