DAAWO Banaanbax Lagu Taageerayo Ansixinta Metelaadda GB Oo Ka Socda Muqdisho

1516

Magaalada Muqdisho gaar ahaan Taaladda Daljirka Daah-soon ee Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka socda Banaanbax lagu taageerayo Go’aankii shalay Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ku ansixiyeen xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ee dalka.

Banaanbaxaan ayaa waxaa soo abaabulay Maamulka Gobolka Banaadir iyo xubno kale, iyadoona Taaladda Daljirka Daah-soon ay ku sugan yihiin Dadweyne farabadan iyo Koox Fanaanii ah oo goobta ka qaadaya heeso.

Shacab badan oo isaga kala yimid Degmooyinka Gobolka ayaa waxaa ay sheegeen inay taageersan yihiin Go’aankii 13-ka xubnood Gobolka Banaadir looga siiyay Aqalka Sare ee Baarlamaanka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa shalay kulankii ay yeesheen waxaa ay ku ansixiyeen xeerka Metelaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare oo laga siiyay 13-xubnood, waxaana arrintaas siweyn u soo dhaweeyay Mas’uuliyiin badan.