DAAWO:-Banaanbax lagu taageerayo Madaxweynaha Turkiga oo Muqdisho lagu qabtay

260

Waxaa galabta magaalada Muqdisho gaar ahaan taalada Daljirka Dahsoon ka dhacay bannaan bax balaaran oo lagu taageerayay dib u doorashada madaxweynaha Turkiga Rajeb Dayib Erdogan.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qeyb galay dibadbax ay Bulshada Magaalada Muqdisho ku muujinayeen sida ay ugu faraxsan yihiin dib u doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Türkiye Mudane Recep Tayyip Erdogan.

Dibadbaxaan oo ka dhacay Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xog’hayaha guud ee Maamulka Gobolka, Xildhibaano ka tirsan DFS, Guddoomiyahaasha Degmooyinka iyo boqolaal shacab ah oo isaga kala yimid xaafadaha Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa goobta ka jeediyay qudbad la xariirta doorka uu Madaxweyne Erdogan ku lee yahay dib usoo kabashada Dalka iyo xoojinta dhismaha qaranka Soomaaliyeed, asigoona sheegay in Madaxweyne Erdogan Imaashiyahiisa Muqdisho ay wax weyn ka badashay aragtidii caalamka ee ka qabeen Soomaaliya.