Daawo:-Banaanbaxyadii ugu cuslaa oo gilgiley Galkacyo +SAWIRRO

1904

Magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa maanta gilgiley banaanbaxyadii ugu ballaarnaa oo looga soo horjeedey Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron iyo gafkii macalin u dhashay dalkaasi sawir gacmeedka ugu tilmaamay NEBI MAXAMED NNKH.

Shacab ka koobnaa Culimo, dhalinyaro, Haween iyo Ardayda wax ka barata dugsiyada Magaalada ayaa isugu soo baxay bartamaha Gaalkacyo, iyagoona ahaa kuwo aad uga careysan Madaxweyne Macron oo taageeray Ninkii Sawirka ka sameeyay Nebi Muxamed NNKH.

Dadka samaynayey banaanbaxyada ayaa ku qeylinaya erayo ka dhan ah Madaxweynaha Faransiiska iyo dowladdiisa, isla markaana dadka ahaayeen kuwa aad u muujinaya Jaceylka Rasuulka SCW, kuna dhawaaqayay Magaca Nebi Muxamed.

Sidoo kale qaar kamid dadkii dhigaayay banaanbaxa ayaa waddooyinka ku gubayay Sawiradda Madaxweyne Emmanuel Macron, waxaana goobta la isugu tegay Culimada ka jeediyeen Khudbado qiiro geliyay dadka, sidoo kalena muujinayay Jaceylka Nebiga.