DAAWO: “Berbera Cali Sabiix maaha”

2012

Waxaa mudooyinkii dambe soo Ifbaxday Xiisad u dhaxaysa Somaliland iyo Jabuuti, Taasi oo Salka ku haysa Xadhiga Internetka Kaasi oo la doonayo in la keeno magaalada Berbera, Waxaana Xildhibaano iyo masuuliyiin horay ugu hadlay dhinaca Somaliland ay dhaliilo u jeediyeen Dawladda Jabuuti.

Afhayeenka Xisbiga Wadani Barkhad Jaamac Batuun oo dhankiisa maanta ka hadlay Arintaasi ayaa sheegay In berbera aysan ahayn Cali Sabiix oo ka tirsan Jabuuti, Wuxuuna sidoo kale Su’aalo ka keenay Qaabka Xadhiga halkaasi lagu keenayo, Wuxuuna Jabuuti ku eedeeyay inay iska indho tirayso Jiritaanka Somaliland, Sida uu hadalka u dhigay.

“Berbera waxay ka tirsan tahay Somaliland , Waxaa muuqata Jabuuti inaysan ogollayn Halgankii dadkan, Waxay ahayd sharci ahaan ay soo casuumaan Xukuumadda, oo ay kala tashadaan, Balse inaan waxba la waydiin waa ayaan darrooyinka ay keentay Xukuumadda Kulmiye” Ayuu yidhi Barkhad Jaamac Batuun.

“Dhaliishu cid kale maleh waa Xukuumadda Faashilka ah ee Kulmiye, Hadalkii kasoo baxay Xukuumadda Kulmiye wuxuu ahaa Baryo iyo Bogaadin, Waxay ahayd inay waydiiyaan Goorta Berbera maamulkeeda ay yeelatay DF Soomaaliya “Ayuu raaciyey hadalkiisa.

Dhinaca kale wuxuu ka hadlay hadalkii dhowaan kasoo yeedhay C.raxmaan Guulwade, Wuxuuna ku tilmaamay Qof aan damiir lahayn oo dadnimo ka tagay.