Booliiska Somaliland ayaa xabsiga dhigay Qadan Cabdillaahi Qadan Qaran, oo xalay gurigeeda ku yaalla Hargeysa ugu dabaal-dagtay maalinta la aas-aasay maamul-goboleedka Soomaaliya ee Galmudug.
Qoraal kasoo baxay Booliiska Somaliland ayaa lagu sheegay in hawlgal ay sameeyeen ciidamada booliisku ay kusoo qabteen Qadan Qaran, kadib markii ay baraha bulshada ku baahisay muuqaallo ay sheegeen in ay lidi ku yihiin jiritaanka Somaliland.
“Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hawlgal degdeg ah kusoo qabtay eedeysan Qadan Cabdillaahi, kadib markii ay baraha bulshada ku baahisay muuqaallo lidi ku ah qaranimada Somaliland, iyadoo gurigeeda ku buufisay calamo aan waafaqsanayn astaanta iyo sharafta Jamhuuriyadda Somaliland,” ayaa lagu yidhi qoraalka booliiska.
Ciidanka booliiska ayaa sheegay in Qadan Qaran ay ku eedeysan tahay falal ka dhan ah madaxbannaanida Somaliland, isla markaana si degdeg ah loo horgayn doono hay’adaha garsoorka.
“Taliska Ciidanka Booliska JSL waxa uu digniin adag u dirayaa dhammaan dadka ku hawlan falalka xadgudubka ku ah jiritaanka qaranimada Somaliland,” ayay warbixinta booliisku sii raacisay.
Qadan Qaran oo warbaahinta la hadashay ka hor intii aan xabsiga loo taxaabin ayaa sheegtay in reer Galmudug ay mar kasta sitaan calanka Somaliland, sida darteedna ay waajib ku tahay in reer Somaliland-na ay u dabaaldegaan maalintooda.
“Maaha wax dambi ah. Somaliland waa dal madaxbannaan. Galmudug haddii aan u dabaal-dagay, anigana calankayga habeen iyo maalinba way sitaan. Ma kaa fiicna. Anigu mar walba waan xusi jiray. Markii aan Irir Samaale kusoo dhawaynayay saw xukuumaddii hore may joogin?” ayay ku tidhi waraysi ay siisay Luqmaan Media.
Qadan iyo dhallinyaro kale ayaa muuqaaladoodu baraha bulshada ku faafay kadib xaflad weyn oo xalay ay ku qabatay gurigeeda, taas oo qaybo ka mid ah bulshada ay dhaleeceeyeen.
Calaamadaha calanka Soomaaliya ama kuwa maamul-goboleedyada ayaan laga ogolayn Somaliland tan iyo markii ay ku dhawaaqday gooni-isu-taaggeeda sannadkii 1991.