DAAWO:-Booliska Beledweyne oo soo badbaadiyay cunug yar oo burcad Afduubatay

1403

Ciidanka booliska Magaalada Beledweyne ayaa ku guuleystay in ay soo badbaadiyaan cunug yar oo laga afduubtay mid ka mid ah Xaafaddaha Magaalada Beledweyne.

Kooxda Afduubatay cunuga yar ayaa waalidiinta dhalay soo weydiistay lacag madax furasho ah si ay ugu soo daayaan.

Gudoomiye kuxigeenka maaliyada iyo siyaasada gobolka Hiiraan mudane Abuukar Cabdulahi Maadey ayaa kaga mahadceliyay laamaha amaanka Baladweyne oo gacanta kusoo dhigay cunugyar oo lagu aftuubtay xaafada howladaag kadibna lacaga madaxa furasha ah la soo weydiiyay waalidkii dhalay.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Ciidanka Booliska ay gacanta kusoo dhigeen kooxihii ka dambeeyay, islamarkaana baaritaano deg deg ah lagu sameyn doono.

Gudoomiye Abuukar ayaa booliska ku boogaadiyay si durbadiiba ay falkaan kaga hortegeen.