DAAWO:-Booliska Canada oo qabtay nin somali ah oo mudo raadinayeen

830

Booliska Canada ayaa Abilaziz Mohamed oo ah Soomaali ay aad u aad doondooneysay dowladda Canada ka dib markii la helay ku saabsan halka uu ku sugan yahay.

Canada ayaa Soomaaligan dul dhigtay Abaal-marin lacageed oo dhan 250,000 oo dollar taasoo la siinayo cidii soo sheegta ama sababta xariga Maxamed, si dadka loogu dhiirigaliyo inay Booliska u soo sheegaan hadii ay arkaan.

Taliyaha booliiska Toronto James Ramer oo ka hadlay xariga Abilaziz Mohamed ayaa aad u soo dhaweeyay in ninkan oo ay muddo badan baadigoobayeen gacanta lagu soo dhigo.

Maxamed ayaa waxaa baadi goobayay booliiska Toronto waxaana lagu soo eedeeyay inuu dilay nin dalkaas u dhashay oo lagu magacaaabi jiray Craig MacDonald oo 43 jir ah kaasoo ku dhashay Magalaadda Toronto.

 

HALKAN KA AQRI SHEEKADAAN